Faallo: Maxaad ka taqaan Agaasimaha cusub ee Madaxtooyadda Puntland ?

38-Jir kasoo laabtay qurbaha 2011-kii maalgashtayna dalka oo lagu tilmaamo nin degan qunyar socod ah wax badana ka fahansan waaqiciga,ayaa loo dhiibay Qasriga muhiimka u ah Puntland agaasinkiisa.

Maxamed Cabdirashiid Cali Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland waxuu kasoo jeedaa beesha saamaynta leh ee Bah-gareen Cismaan Maxamuud.

Maxamed Waa Aabe laba Xaasle mid ay ajaanib tahay iyo 5-caruura aqoon ahaana gaarsiisan Master Degree.

Sidoo kale waxuu soo noqday Agaasimaha qaybta xiriirka bulshada Shirkada isgaarsiinta Golis 2011-2013.

2013-kii waxuu Aas-aasay Shirkada Pure-Tech ee ka shaqaysa Computer-da iyo Taleefoonada taasoo adeegeedu gaaray guud aahaan Somaliya.

Sidoo kale xiligan waa Agaasimaha Itoobiyaan Airlines Xaafiiskeeda Puntland

Dhanka kale sida aan xogta ku helay waa Nin aysan meelna kasoo gelin Kooxda Aaran ee Madaxweynaha looga fogaaday,waana garabka Midig ee Madaxweyne Deni.

Waxaan urajaynayaa shaqo wacan iyo in uu noqdo sida loogu han weyn yahay mid shaqadiisa kasoo dhalaala.

Jibril Qoobey.