Fariin ka timid Booliska Gobolka Mudug

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland waxey ku guuleysteen in ay soo qabtaan Gaarigii Probox-ka ahaa ee laga soo dhacay Galmudug Todobaad ka hor.

Taliska Booliska Puntland waxuu si Guud ugu mahadnaqayaa shacabka Gobolka Mudug,gaar ahaan kan Magaalada Gaalkacyo wada shaqeynta buuxda ee ay umuujiyeen Ciidanka amaanka.

Booliska Puntland,gaar ahaan kan Gobolka Mudug waxay sharaf u arkaan qabashada danbiilayaasha iyo badbaadinta hantida Muwaadiniinta.

Taliska Qaybta Booliska Mudug.