Gaalkacyo: Puntland oo bilowday olale looga hor-tagayo cudurka Duumada (Sawirro)

Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa magalada Gaalkacyo Olole lagu buufinayo Guryaha ,wadooyinka iyo Goobaha biyo fariisadka ah si loo xakameeyo Cudurka duumada iyo xanuunada kale kaneecadu faafiso sida xanuunka Soomaalidu u taqaan Kaduudiyaha madaama lagu jiro wakhti roobaad magalada biyo badan fariisteen kaneeco badan ka dhalatay.

Olalaha lagu buufinayo magaalada gaalkacyo oo socon doona mudo 20 berri ah waxaa looga Gol leeyahay in lagu xakameeyo Cudurka duumada iyo xanuunada kale kaneecadu faafiso waxaana howshaasi fulinaysa waxda ka hotaga iyo xakamaynta duumada ee Wasaarada Caafimaadka Puntland oo kaashanaysa hay’ada WHO.