Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay geerida Xaaji Xasan Yuusuf

Garoowe, May 16, 2020: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Puntland ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Xassan Yuusuf Maxamed oo maanta ku geeriyoodey magaalada Carmo.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Golaha Wakiillada DPL, waxaan guud ahaan shacabka Puntland, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Xassan Yuusuf Maxamed uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.”

“Xaaji Xassan Yuusuf Maxamed waxa uu ahaa Ganacsada iyo samatalis nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Reer Puntland ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

DHAMMAAD