Kenya oo mar kale dalbatay in dib loo dhigo dhageysiga Dacwada Badda & DFS oo kahor timid

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid dib u dhigidda dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ka dib markii mar kale Kenya ay dalbatay in dib loo dhigo, sababo ku aadan Cudurka Corona Virus.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa  ku eedeysay Kenya inay dooneyso in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda.

Warqadda ay dowladda Soomaaliya qortay waxay ku sheegtay in ay tahay markii saddexaad oo ay Kenya codsato in dib loo dhigo iyadoo ka cabatay cadaadiis diblumaasiyadeed oo weyn oo ka imaanaya dhinaca Kenya.

“Waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xidhanyihiin. Hase yeeshee maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto” ayuu yiri Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed oo BBC la hadlay.

“Bishan Juun dalal dhawr ah ayaa dacwadahooda lagu dhegaysanayaa maqal iyo muuqaal, ilaa hada hal kiis ayay ku dhegaysatay, markhaatiyona way ku dhegaysatay maxkamadu maqal iyo muuqaal, markaa anaga waan ka hor nimi waan diidnay mawqifka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa weeye in aan dacwadaas maalin dib loo dhigin, go’aankaas ayaanan u qornay maxkamada caalamiga ah ee aduunka laguna dhegaysto dacwada habka maqalka iyo muuqaalka ah ama video confrene oo ay maxkamadu hada gacanta ku hayso kana shaqaysay tijaabisayna” ayuu yiri Mar kale Guuleed.