VIDEO: Taliyaha cusub ee Ciidanka Madaxtooyadda DPL oo xilkii la wareegay

Taliyaha cusub ee Madaxtooyada Puntland Cismaan Cumar Maxamed ayaa maanta xilka kala wareegay Taliyihii hore ee ciidamada Madaxtooyada Barkhad Cabdullaahi Yuusuf.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday hool ku yaalla Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ka qeyb-galay Masuuliyiin kamid ah Madaxtooyadda, Saraakiil kamid ah Ciidanka Difaaca Puntland iyo marti sharaf kale.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=2844645505661292&id=519696945060756