Axmed Madoobe oo kulamo la leh Siyaasiyiinta iyo Waxgarka ka aragtida duwanaa (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed ayaa maanta kulan la qaatay Janaraal Cabdi Mahdi iyo Nabadoon Cali Xuseen Nuur Cali Dheere oo kamid ah waxgaradka Jubbaland isla markana kamid ahaa dadka Madaxweynaha kaga aragtida duwanaa Arimaha Siyaasada.

Kulankan oo kamid ah dadaalada Madaxweynahu uu Ku dhagaysanayo aragtiyada Bulshada iyo figradaha kala duwan ee wax dhisaya ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii looga shaqayn lahaa Midnimada iyo wadajirka Dadka Ree Jubbaland isla markana meesha looga saari lahaa kala aragti duwanaan xagal daacin karta Hormarka ay hiigsanayaan dadka ree Jubbaland.

Waxaa kulankan ka qaybgalay Masuuliyiin heer Federaal ah oo uu kamid yahay Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Xildhibaano Wasiir Ganacasato iyo Sarakiil katirsan Jubbaland.

Gabagabadii waxaa la isku raacay in la joogteeyo wada hadalada iyo kulamada ay kasoo bixi karaan aragtiyo wanaagsan oo lagu hormarinayo Dowladnimada Jubbaland.