Goormee furmayaa kalafadhiga 46-aad ee Baarlamaanka Puntland ?

Kal-fadhigii barlamaanka Puntland ayaa furmi doona xilligii caadiga aha ee horay loogu qorsheyey kuna beegan 15 June 2020 sida caawa lagu wargeliyey mudanayaasha barlamaanka.

War qoraal ah oo lagu soo dabacey bogga Facebook Barlamaanka ayaa lagu yiri “Waxaa idinla socodsiinayna in kal-fadhina 46-aad ee golaha wakiillada Puntland uu furmi doono xiliigiisii dastuuriga ahaa ee 15.6.2020, Sidaa darteed, waxaan Alle inooga rajeynaynaa in uu nabadgelyo iyo caafimaad inagu gaarsiiyo”.

Sidoo kale, Ajandaha kulamada Kalafadhiga 46-aad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland oo ka kooban dhowr qodob, lalana wadaagay Xildhibaanada ayaa waxaa kasoo muuqday la xisaabtanka Xukuumadda.