Madaxweyne ku-xigeenka Puntland: Argagixisadu waxay Guddoomiye Axmed ku dileen gaadmo

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa tacsi udiray guud ahaan shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, qoyska iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Axmed Muuse Nuur Gudoomiyihii Gobolka Mudug oo kooxaha nabad diidka argagixisadu qarax kula beegsadeen magaalada gaalkacyo, xili uu kasoo baxay xafiiskiisa uu ku gudanayay waajibaadkiisa shaqo.

“Waxaan uga tacsiyaynayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland, qoys iyo qaraababa geerida ku timid Guddoomiyihii gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur (Dabakariix), ciidamadii iyo shacabkii kale ee ku wax yeeloobay weerarkii kooxaha argagixisadu la beegsadeen”.

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ilaahay uga baryay shuhadadii ku geeriyootay qaraxaas, inuu naxariistiisa jano ku abaal mariyo, inta dhaawaca ahna u boogo dhayo.