Safiirkii Shiinaha ee Israel oo meydkiisa laga helay Tel-Aviv

Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Isaa’iil oo isagoo meyd ah laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Tel Aviv, sida ay soo werisay warbaahinta Israa’iil.

Mr Du, oo 58 sano jir ah ayaa waxaa meydkiisa laga helay sariirtiisa ilaa haatana lama oga sababta ka dambeysa dhimashadiisa.

Waxa dalkaasi loo magacaabay bishii Febraayo ee sannadkan, waxa uu horay Shiinaha ugu fadhin jiray Ukraine.