VIDEO: Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay Wasiiradii uu soo magacaabay Madaxweyne QoorQoor

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo goordhaw kulan ku yeeshay magaalada Dhuusomareeb ayaa waxa ay ku meel mariyeen golaha Wasiirada maamulkaasi oo maanta la horgeeyay.

Kulanka Baarlamaanka Galmudug ku ansixiyeen Golaha Wasiirada maamulkaasi waxaa fadhiyay 78-Xildhibaan , waxaana Xildhibaanada hortagay kana codsaday in Golaha Wasiirada Ansixiyaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.