Puntland iyo Galmudug oo ka wada-hadlay la dagaalanka Argagixisada (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Ariimaha Gudaha Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Dhabancad oo Madaxtooyada Dowladda Puntland ee magalaada Gaalkacyo ku qaabilay masuuliyiin Ka tirsan labada Golle ee baarlamaanka DFS iyo maamulka Galmudug.

Wafti uu hogaaminayay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdid oo ay kamid ahaayeen Gen Gorod, Xildhibaan Cabdikarim Khalif, Siyaasiyiin, Guddoomiyaha Degmada Galkayo ee Galmudug iyo masuuliyiin kale ayaa tacsi ugu yimaadeen Masuuliyiin DPL oo uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xildhibaano, Maamulka Gobolka iyo Degmada ee DPL, ayagoo ka tacsiyeeyey geeridii Guddoomiyihii Gobolka iyo muwaadiniintii kale ee maalintii shalay qarax lagu dilay Gudaha Magaalada Gaalkacyo.

Intaasi kadib masuuliyiinta waxay kawada hadleen ladagaalan cadowga ku dhex jira shacabka sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga iyo la dagaalanka Argagixisada.