ICJ oo markale dib u dhigtay dhageysiga Dacwadda Badda ee Somalia & Kenya

Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada Aduunka ayaa markii saddexaad dib udhigtay dhageysiga Dacwada Muranka dhinaca Badda ah ee udhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

War kasoo baxay Xarunta Maxkamada ee Magaalada Hague ayaa lagu sheegay in Codsi ka yimid Dowlada Kenya iyo Xaalada Cudurka Coronavirus darteed ay Maxkamadu go’aansatay in Dhageysiga Dacwada dib loo bilaabo Bisha March ee Sanadka 2021ka.

Go,aanka Maxkamadda ICJ ayaa noqonaya dharbaaxo Siyaasadeed iyo fashil soo foodsaaray Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, maadama Dowladdiisu 4 sanno ee muddo xileedkeeda waxba ka qaban Dacwadda badda.