Akhriso: Xisbiyadda Mucaaradka ah oo dalbaday baaris lagu sameeyo tacadiyadda Ciidanka Itoobiya

Madasha Xisbiyadda Qaranka iyo Xisbiyadda kale ee mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay joogitaanka Ciidanka Itoobiya ee aan qeybta ka aheyn AMISOM ee Dalka, kuwaas oo horey loogu adeegsadey dano gaar ah.

Qoraal ay si wadajir ah ay u soo saareen Xisbiyadda mucaaradka ah ayaa loogu baaqay Labada Aqal ee BFS inay ka qaadaan talaabo Sharciga waafaqsan, baaritaana ku sameeyaan dhibaatooyinka ay Ciidanka Itoobiya ay ka geysteen gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Xisbiyadda mucaaradka ah ayaa ka dalbaday Qaramada Midoobey inay baaritaan ku sameyso soo gelinta hubka sharci darada ah ee ay Ciidanka Itoobiya soo geliyeen Dalka iyo dhibaatooyinka ka dhashey.

Xisbiyadda ayaa sidoo kale eedeeyn u jeediyay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ahna Madaxa Ciidanka AMISOM  Francisco Madeira, iyagoona dalbaday in is-bedel lagu sameeyo lana keeno ruux dhexdhexaad ka noqonaya Siyaasadda Soomaaliya, maadama Danjiruhu isagu ku fashilmay.