Al-Shabaab oo qorsheynaysa inay weerar Qaraxyo ah la beegsato Wasiirka Dhabancad

Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa qorsheysa inay weerar ismiidaamin ah ku qaado Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo dhanka Sirdoonka ah.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Kooxda Al-Shabaab ay diyaariyay gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo la doonayo in lagu weeraro Wasiir Dhabancad, iyadoona xogta weerarkan ay qorsheysay Al-Shabaab lala wadaagay Wasiirka.

Sirdoonka Dowladda Puntland ayaa la sheegay inay wadaan dadaalo la doonayo in lagu qabto weerarkan, iyadoona Qaraxan Ismiidaminta la sheegay in Al-Shabaabku u adeegsanayaan gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxo.