Gaalkacyo: 70 sanno jir ka bogsaday COVID-19 (VIDEO)

Bukaankii ugu horreeyay ayaa maanta ka baxay xarunta Maaraynta iyo Daawaynta cudurka Coronavirus ee magaalada Gaalkacyo, ka dib markii uu ka bogsaday cudurka.

Ehelka bukaanka bogsooday oo 70 sanno jir ah ayaa u mahad-celiyay Wasaarada caafimaadka iyo dhakhaatiirtii gacanta ku hayay ee 24 saac u adeegayay.

Isu-duwaha Wasaarada Caafimaadka Puntland ee gobalka Mudug ayaa bukaanka gudoon siiyay shahaado muujinaysa inuu ka bogsooday xanuunka Covid -19.