Somaliya: Maanta iyo Shalay.WQ.Abdihakim Hersi

Shalay

15Kii May, 1943 waxay ahayd markii la aasaasay ururkii dhalinayarada Soomaaliyeed (SYC, Somali Youth Club). Waxay ahayd wakhti Ingriisku uu Soomaaliya oo dhan gacanta ku hayey, dabadeed markii ay isaga iyo xulafadiisu kaga adkaadeen Talyaaniga iyo xulufadiisa dagaalkii labaad ee adduunka. Markii hore ururka waxaa lagu xiray inay ka shaqeeyaan arrimaha bulshada, balse aynan faraha la gelin arrimaha siyaasadda.

Walow Ingriisku kaga dabacsanaa Talyaaniga in Soomaalidu suubsato ururo bulsho, hadana iskaga mid bay ahaayeen ku dhaqanka qabiilka oo ay ku kala qeybinayeen Soomaalida. Qofkii dani ka soo gasho xaafiisyada dawladda isticmaarka ama shaqo u soo doonta, wuxuu ku khasbanaa inuu sheego qabiilkiisa, haddii kale wax u kala soconaya aynan jirin. Haddaba dhalinyaradii 13ka ahayd ee SYC aasaastay waxaa uugu weynaa wixii ay isku dhaarsadeen ka waantowga sheegashada iyo ku dhaqanka qabiilka shacbiga dhexdiisa iyo ururada bulashada iyo siyaasadda dhexdooda. Waxaa kaloo iyaduna uugu weyneyd isku keenida Ummadda Soomaaliyeed oo isticmaarku uu kala qeybiyey 5 waaxyood.

Markii ay soo dhawaatay imaanshihii ay imaanayeen Soomaaliya guddigii loo yiqiinay “the Four-Power Commission,” oo ka koobnaa Ingriiska, Fransiiska, Iskutaggii Soofiyeedka, iyo Maraykanka, ayaa waxa ururkii SYC go’aansaday inuu isku bedelo urur siyaasadeed. April 1947, ayaa magacii ururka lo badalay SYL (Somali Youth League).

Walow aynan SYL raali ka ahayn, hadana Koonfurta Soomaaliya waxaa dib loogu soo celiyey gacanta Talyaaniga muddo toban sano ah, oo ka bilaabanaysay 1950. Golihii shacabka oo la doorto oo uugu horeeyey wuxuu ka koobnaa 60 xildhibaan oo Soomali ah. Waxaa kalo ku jiray 10 xubnood oo iyagu matalayey dadyowga kale ee kala ahaa Talyaaniga, Carbta, Hindida, iyo Bakistaanta. Doorashadaasi waxay dhacday 1956, bishii Feebaraayo. Markaas ragga keliya ayey doorashadu u furnayd. Magaalooyinka waaweyn si toos ah oo qarsoon ayuu ninku codkiisa u dhiibanayey. Tuulooyinka iyo badiyaha, oday-dhaqameedyada ayaa soo magacaabayey.

Doorashaddii xigtay waxay dhacday Maarso 1959. Waxaa loo codeynayey 90 xubnood oo golaha shcabka ah. Ragga iyo dumarka qaangaarka ah oo dhan ayey u furnayd. Miyo iyo magaalaba doorashadu waxay ahayd mid qof walba u dhiibanayey si toos ah oo hadana qarsoon.

Doorashooyinkii ka danbeeyey ee 1964 iyo 68 sidaas oo kale ayey u dhacayeen. Tirakoobyo ma jirin, lagumana xiri jirin. Qodf walba markuu codkiisa dhiibto ayaa khad an tirtirmin farta loo dari jiray.

Ogoobay, dhalinyarada ka danbaysay kifaaxaas weyn, oo an in yar ka taabtay, waxay ahaayeen kuwo marka la fiirsho dhanka waxbarashada iskuulka an shahaadooyin waa weyn ka haysan. Waayo wadanka wagaas dugsiyada hoose ayaa fara ku tiris ahaa, mid dhexe iyo wixii ka sareeyana warkooda daa. Balse waxay ahaayeen dhalinyaro firfircoonoo oo ay maskaxdooda ka buuxday wadaninimo iyo caqli caafimaad qaba, meel dheerna wax ka arkayey.

Maanta

Maanta oo la joogo May 2020, oo ay ka soo wareegtay muddo 77 sano ah markii la fiirsho oo la barbar dhigo wakhtigii SYL la aasaasay iyo kifaaxeedii, ma laga faaidaystay oo meeshii ay soo gaarsiiyeen kor ayaa looga sii qaaday, mise dibbaa loo gurtay oo waxaynu joogna meeshay ka bilaabeen meel ka sii hoosaysa?

Golaha shacabka kuraastiisa habka lagu qeybsanayo maanta wuxu ku salaysanyahay waxa loo yaqaan 4.5 oo hab qabiil, waana wixii uugu weynaa oo dhalinyaradu ka dagaalamaysay qarni ku dhawaad ka hor inaan la isticmaalin. Waa dib u gurasho aad u weyn.

Dhanka doorashada marka ad fiiriso, maanta waxaa la isku haya doorasho ma dhacayso mise dhicimayso. Waa dib u gurasho (WDUG). Haddii ay dhacdo side bay u dhacaysaa oo an la ogayn. WDUG kale. Haddiiba ay dhacdo, waxay u badantahay in ayna u dhici qof iyo cod balse ama ay soo magacaabaan oday-dhaqameedyo ama soo doortaan tiro kooban. Waxay ka sii hoosaysaa doorashadii uugu horaysay ee 1956. WDUG kale.

Aqoonta dadka wax bartay cadadoodu ma yara. Inta haysata shahaadad 4ta sano oo uugu horaysa jaamacadda lama xisaabi karo. Inta ku dartay 2da sano oo mastarka ah iyaguna ma yara. Inta haysata tan uugu saraysa ee PhD iyaguna ma yara. Haddaba suaasha isweydiinta u baahan waxay tahay qolyahayaga isku sheegaya inaan wax soo baranay maxaa horumar ah oo an wadankii ku soo kordhinay? Maxaa keenay intaas oo dib uu gurasho ah oo an kor kusoo xusay iyo in kaloo ka badan? Waxaa la yiri ninbaa wuxuu wafdi Soomali ah tusayey beeraha Afgooye iyo Janaale ku yaal. Marka isagoo uu sharaxaya waxa ka baxa beeraha ayuu yiri, “tamadhada eeg, baradhada eeg, canbe-lafta eeg, canbe-filfilka (babayga) eeg. Maxaysa kuugu taal gaala iskaleh.” Al yacni waxaas oo barwaaqa ah waxba kuma lihin. Si kale haddii ad u rogtidna, waxaad isleedahay waxgaradkii ma wuxu noqday oo kale xeradayadu waa wada ul, ul la qaadana ma leh.

Wadaninimo iyada warkeeda daa. Waad wada aragtaan oo waxaa dhacday in madaxdii wadanka uugu saraysay ay u gacan geliyeen Itoobiya sargaal Soomaaliyeed oo neftiisa u huray qranimada iyo jiritaanka wadanka iyo ummaddda Soomaaliyeed.

Rabbow Tubta Toosan, Aamiin.

Abdihakim Hersi