Tel Aviv: Diyaarad ay lee dahay Imaaraadka carabta oo ka degtay Israel

Diyaarad laga leeyahay Imaaradka Carabta ayaa taariikhda markii ugu horeysay ka degtaty magaalada Yahuuda ee Talaabiib taa oo ka soo duushay magaalada Abu Dubia.

Diyaaradan ayaa waday qalab caafimaad oo loogu talagalay Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza.

Sida uu muujinayo dhabbaha ay dayuuraddani martay waxaa hawadooda u diidey dalal fara badan oo Muslim ah sida Sucuudiga, Lubnaan , Suuriya iyo Dalka Urdun halka ay qaar kale u ogolaadeen sida Ciraaq iyo Turkey.

Hogaamiyaha sare ee Iran Ayatullahi Khumeyni ayaa sheegay in Duulimaadka Imaaradka ee Israel inuu yahay qiyaanadii ugu weyneed ee Bariga Dhexe, waxaana wadamada Khaliijka uu ku eedeeyay iney la shaqeynayaan Yahuuda iyagoo ka eexanaya Falastiiniyiinta.