VIDEO: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax khasaare geystay ayaa barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho, kaas oo lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ku socdaalayey waddada aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Qaraxan ayaa la qorsheynayay in lagu khaarajiyo Cali Gaab oo kamid ah saraakiisha Ciidanka Dowladda, isagoona ka bad-baaday Qaraxan oo dhacay waxyar kaddib markii gaariga Jeneraalku gudbay.

Wararka ayaa intaas ku daray in illaa 4 Ruux oo shacab ah uu dhaawac kasoo gaaray Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana sidoo ku burburey gaari mooto bajaaj ah.