VIDEO: Xasan Sheekh “Dacwadda Baddu meeshaan uga tagneey joogtaa”

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul u dhaliilay Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, taas oo ku fashilantay inay xaqiijiso guulo Soomaaliya ka gaarto Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee taalla Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

“Dacwada Baddu 4sano ku dhawaad waxay taagan tahay meeshii aan uga tagnay waxaana dib loo dhigi karaa oo kaliya marka labada dal heshiis ku yihiin markii kowaad , labaad iyo sadexaad waxaa la aqbalay codsiga kenya oo kaliya Arintaasi sax mahan hadii ay jirto oo dowladeenu diidanayd dib u dhigista dacwada cadamaymaha hala wadaagto shacabka hadal kaliya looma baahne” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey in dowlada Soomaaliya ogolaatay dib u dhigista dacwada isla markaana shacabka ay been u sheegayso iyadoo tilmamaysa in ay diidanayd dib u dhigista.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in dacwada ay hogaaminayeen Qareemo caalami ah oo Soomaali ah oo ay ka mid tahay Muno Sharmaa isla markaan meesha laga saaray oo aysan hada joogin.