Gaas”Somaliya doorasho hal qof iyo cod ah kama dhici karto”

“Muddo kordhinta si aysan u dhicin waa in la helaa dad hor-taagan muddo kordhinta, Waxaan aaminsanahay in doorashooyinka federaalku aysan suuragal ahayn sannadka 2020. Sababta waxa weeye iyada oo aysan jirin qaab-dhismeed siyaasadeed oo wax ku ool ah oo ay ka go’an tahay hirgelinta doorashada, marka lagu daro Barlamaanka Federaalka”sidaa waxaa yiri Madaxweyne Gaas.

Gaas oo hadalkiisa sii wata,ayaa yiri…

“Sababta labaad waa jiritaan la’aan heshiis siyaasadeed oo u dhexeeya dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah”

Sidoo kale waxuu Gaas ku sheegay sababta saddexaad ee aysan doorasho qof iyo cod uhirgali karin….

“Himilada NEC (Komishanka Doorashooyinka Qaranka) uu yahay mid aan ku saleysnayn xaqiiqada dhabta ah”.

Gaas waxuu qayb ka yahay haldoor ka qaybgalaya dooda PDRC ee caawa.

Jibril Qoobey.