Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada 2021

Puntland si cad ayay udiiday in hal maalin lagu daro mudo xileedka Dowlada Fadaraalka.

Jubaland sidoo kale way ka hor timid aragtidaas oo la hor dhigay.

Hir-Shabelle iyo Madaxweynaheeda Waare waa iska diiday iyaguna in mudo xileedka madaxda wax lagu daro.

Galmudug way aqbashay fikradaas.

Koonfur-galbeed-na si buuxda ayay u ayiday.

Xisbiyada Muqdisho waa diideen mudo kororsigaas.

Farmaajo 2-sano,ayuu rabaa uu isleeyahay waxaad ku diyaarsanaysaa qorshe doorasho oo 4-sano oo kale aad ku heli kartid.

Khayre waa musharax ku darsi ma danaynayo,hadii laga badin waayana sanad buu ogol yahay.

Gudoomiye Mursal Farmaajo,ayuu fikrada 2-sano la qabaa.

Gudoomiye Cabdi-xaashi Khayre,ayuu aragtida sanadka ku raacsan yahay.

Beesha caalamku waxay soo gabagabaysay ra’yi waydiintii Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ee hanaanka doorasho,waxaana dhawaan la filayaa in uu soo baxo go’aankooda.

Balse waxaa jira warar sheegaya in beesha caalamka ay wado fikrad ah in mudo kooban loo sameeyo mudo kordhin shuruudo leh Madaxda Dowlada Fadaraalka ah. Xigasho Suxufi Jibril Heres Idilnews