Alshabaab fara badan oo ka degay Xeebaha Bari Ee Puntland

60-ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab,ayaa ka soo degay maanta Duhurkii Deegaanka Hul-caanood ee ka.tirsan Degmada Xumbeys Gobolka Bari Puntland.

Maleeshiyadan,ayaa kasoo kicitintay Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Sida aan horay udaabacay Maleeshiyadan waxay ku wajahan yihiin Buuraha muhiimka ah ee Cal -Miskaad.

Majirin xiligay soo dagayeen iska caabin ay la kulmeen,waxaana muuqata in Dowlada Puntland aysan taxadar ka samayn xogihii horay loo gaarsiiyay.

Jibril Qoobey