Maxaa kasoo baxay Kulankii haldoorka Puntland Ee PDRC?

Kulanka waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Senator Cabdirisaaq Juurile, Xildhibaanad Sacdiya Salaad oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka fadaraalka,Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Siyaasiyiin hore xilal horay ugasoo qabtay Puntland.

Waxaa kulanka looga dooday hanaanka Doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomi kara, Iyadoo lagu saleynayo caqabadaha iyo fursadaha jira.

Arimaha laga dooday xalay ee lasoo bandhigay waxaa kamid ahaa.

1.4.5 dib ma tahay in dib loogu laabto?


2.Maxaa lagu badalanayaa hadiiba lagu laabanayo?


3.Ma jiri kartaa fursad kale oo lagu hirgalin karo doorashada?


4.Malaga gaari karaa mudada hartay in doorasho lagu qabto.?


Mid ka mid ah dhaliilaha kulanka xalay uu lahaa,ayaa ahayd in soo qabanqaabiyaasha oo kala ah Wasiir Dhabancad iyo Cabaas Gacmo-gaab ay miiska soo saareen fursadii ugu danbayn ay Puntland ku gorgortami lahayd halka ay ahayd in ay ka hor mariyaan kuwo kale oo la heli karay.

Wasiir Dhabancad,ayaa umuuqday mid aanba fahansanayn mawduuca xalay laga doodayay.

Halka Cabaas laga dheehan karay hadaladiisa Nin meelo kale ku xiran waxna fahansan balse wax uqarsoon yihiin.

Senatar Jurile,ayay dad badan ku tuhunsan yihiin in uu soo qabanqaabiyaasha aad udhexgalay oo dhaliisha xalay jirtay isagu Oday u ahaa.

Inkastoo markii danbe laysla fahmay lagana saaray meesha dhaliilihii khibrad yarida ama fulin ujeedooyin qarsoon ay keeneen.

Madaxweyne Deni,Faroole iyo Jurile afka kuma balaarin mudo kordhin in ay xaraan tahay.

Balse Gaas iyo haldoor fara badan oo kale,ayaa si waadixa uga hor yimid mudo kordhin loo sameeyo hay’adaha fadaraaliga ah ee Dalka.

Dhaliisha ugu weyn ee kulanku lahaa,ayaa ahayd in M-xigeenkii iyo Gudoomiyihii baarlamanaka ana lagu casumin.

Balse guud ahaan kulanka waxuu ahaa mid macno sare leh oo aan Somaliya inteeda kale noociisa oo kale weli uusan ka qabsoomin,waxaana jiri doona fadhi labaad.

Kulamadan ka dib waxaa la filayaa in Dowlada Puntland soo saarto go’aankeeda ugu danbeeya ee hanaanka doorashada dalka.

Jibril Qoobey.