Video:-Booliska Jigjiga oo ku xadgudbay Xildhibaano Baarlamaanka DDSI ka tirsan

Xildhibaano si nabadgelya ah uga baxay kulankii baarlamaanka DDSI,ayaa gacan qaad waxaa ku sameeyay Booliska uu hogaamiyo Sarkaalka ay isku qoyska yihiin Madaxweyne Cagjar.

Xildhibaanadan Boolisku ugacan qaaday oo fadhiga Baarlamaanka iskaga baxay kadib markii ay ka biyo diideen ajandaha,ayaa xasaanadii laga qaaday.

‘Rag markii Horeba ullo Booca Loogu soo Kutubayay oo halkii La rabay in ay gaabsadaan horboodayaal noqday ayey Maanta Seeftu qaaday’sidaa waxaa noo sheegay mid ka mid ah haldoorka Deegaanka.

‘Xilibaanadda Xasaanadda Laga Qaaday waxay ubadnaayeen xubno loo aanaynayo in ay Taliskii Cabdi iyo Tacadiyadii ka dhacay Deegaanka Lugaha kulla walaaqanayeen.Kuwaasoo Taliskani cusub isku dayaya in ay Fashiliyaan’ Sidaas waxaa yiri Xildhibaan Ka mid ah Xilaabanadda Deegaanka.

.Tani waa mid muujinaysa kalitalisninada Cagjar,sidoo kalena dib uxasuusinaysa bulshada wadadii qodxaha lahayd ee horay lasoo maray.

Macno ma samaynayso hadba Ninka kursiga ku fadhiyaa in uu ku tilmaamo kuwa kasoo horjeeda qarandumis nabadiid ah.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka