Yaa ka danbeeyay xariga Agaasimaha W.Caafimaadka Fadaraalka?

Warar lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegaya in uu gacan ka geystay Xildhibaan Faarax cabdi Xasan eedayntii loo soo jeediyey Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliya Dr. Cabdulaahi Xaashi Cali.Agaasime

Cabdulaahi Xaashi,ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq loona xiray markii danbe.

Maalmo kadib markii la xiray Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka,ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Xildhibaan Faarax uu qayb ka ahaa xariga iyo eedaynta Agaasimaha.

Waxayse xaaladu cirka isku shareertay oo wax lala fajaco ay noqotay markii si waadixa Xildhibaan Faarax uu codsi geystay Xaafiiska ReysulWasaaraha isaga oo codsanaya Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka.

Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan waa mid ka mid ah Xildhibaana heer Federaal ee ka soo jeeda Galmudug,gaar ahaan Caabudwaaq.

Warkan waxaa noo xaqiijiyey masuul lagu kasloonaan karo oo ka tirsan Xaafiiska Raysul Wasaaraha Xukuumada Fadaraalka Somaliya.