Muqdisho: Gen. Cali Gaab oo ka bad-baaday markii labaad Qarax

Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cali Barre Xersi (Cali Gaab), ayaa ka bad-baaday Qarax miino oo maanta lagula eegtay magaalada Muqdisho Gaari uu la socday.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Gaariga Taliyaha lala eegtay xilli uu marayay Wadada Afisiyooni gaar ahaan Agagaarka Iskuulka Almasal.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxan ay ku dhaawacmeen laab ruux oo mid kamid ah aheyd haweeneey, kuwaas oo wadada marayay.

Waa markii labaad oo muddo todobaad Gudihiis Magaalada Muqdisho qarax lagula eegto Taliyaha hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cali Barre Xersi (Cali Gaab).