DEG-DEG: Ciidanka Itoobiya oo rasaas la dhacay diyaarad ka degi laheyd Qansax-dheere

Diyaarad waday gargaar oo ay lee dahay Shirkadda Salaam air, ayaa la sheegay in xabado lagu riday xili ay ku dageysay magaalada Qansaxdheere ee gobalka Baay.

Ma jiro wax qasaare ah oo gaaray dadkii diyaarada saarnaa waxaana diyaarada ka muuqda rasaastii ku dhacday.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Itoobiya ee saldhiga ku leh agagaark Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Qansax-dheere ay rasaasta la dhaceen diyaaradan, wallow ay ka bad-baaday dibna ugu laabatay Magaalada Muqdisho.

Dhawaanta ayeey ahayd markii ciidmada itoobiya soo rideen diyaarad qalab caafimaad sitay oo ku dagi lahayd magaalada Bardaale, taas oo ilaa hada aysan si rasmi ah uga hadlin Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.