Dhoobo-daareed: Madaxweyne Deni wuxuu xaqiray xuquuqdii yarayd ee Axmed Karaash (VIDEO)

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobodaareed), ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni inuu masuul ka yahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo ku xigeenkiisa.

C/xakiin Dhoobo-daareed ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu kasoo horjeedo in talada Puntland ay wax ku yeeshaan dadka ugu dhow ee la shaqeeya sida madaxweyne ku xigeenka iyo guddoonka barlamaanka.

Sidoo kale, Dhoobo-daareed ayaa xusay in khilaafka isaga iyo Axmed Karaash uu ka dhashay markii madaxweynuhu uu diiday inuu la tashado ku xigeenkiisa. Wuxuuna tilmaamay inuu kamid ahaa dadkii xalliyay khilaafkaas si uusan bannaanka ugusoo bixin.

Cabdixakiin Dhoobo-daareed, ayaa xilka looga tuuray mooshinka uu qabsoomidiisu dhiig ku daatay todobadii bishii November ee sanadkii hore kadib markii ay is khilaafeen isaga iyo madaxweyne Deni, iyadoona maalmo kaddib xubinimadii Xildhibaanimo laga xayuubiyay.