Ilhan Cumar oo Gaartay Guul Siyaasadeed

Ilhan Cumar ayaa saacado ka hor ku guulaysatay wareegga koobaad ee codbixinta isreereebka uu xisbigeeda ku xulanayo musharraxa degmada 5-aad ee kursiga ay hadda ku fadhido ku matalaya doorashada Congress-ka ee lagu wado inay dhacdo bisha November.

Codbixinta xisbiga Dimuqraadiga oo loo sameeynayay qaab email ah ayaa waxay socotay 9 maalmood ee ugu dambeysay.

Cudurka Corona ayaa horistaagay in ergada xisbiga ay isu yimaadaan si ay u codeeyaan taasi oo sababtay in qaabka Emil-ka lagu codeeyo.

Ilhaan ayaa tartanka kaga guuleystaya Antone Melton oo ahaa nin madow ah islamarkana si wayn u dhaliilayay waxqabadkeeda intii ay xilka haysay.

Xildhibaanada aqalka Congreska Ilhaan Cumar ayaa heshay 65.5% codadkii la dhiibtay, halka Antone Melton oo kaalinta labaad soo galay uu helay 30.9%.

Waxaa sidoo kale tartankan is-reerebka xisbiga Dimuqraadiga ku jirtay Leylo Shukri Adan oo ah gabadh Soomaaliyeed.

Ilhaan Cumar oo 37 sano jir ah ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka.