Jubbaland oo ka hadashay weerarkii Xerada Ciidamada ee Dhoobleey

Dagaal culus ayaa Xero lagu tababaro Ciidamada Daraawiishta jubbaland ku leeyihiin duleedka Dhoobleey waxaa uu ku dhex-maray Ciidamada Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii ay Al-Shabaab weerareen Xerada Ciidamada Daraawiishta o uu tababar uga socdo in ka badan 300 oo askari oo aan hubeysneyn,kuwaas oo kamid noqonaya Ciidamada Jubbaland.

Taliye ku-xigeenka Ciidamada Jubbaland ee degmada Dhoobleey Maxamed Cabdullaahi Koreyd ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Waxaa uu sheegay in intii uu dagaalka socday ay Al-Shabaab ka dileen laba xubnood,hayeeshee uusan faah faahin khasaaraha dagaalka ka soo gaaray Ciidamada Jubbaland weerarka lagu qaaday Xerada Ciidamadooda ay ku sugan yihiin ee duleedka Magaalada Dhoobleey.

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay howlgallo kala duwan ka wadaan duleedka magaalada Dhoobleey,iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay weerarkii xalay.