VIDEO: Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay xubno katirsan Daacish, Hub iyo Gaadiid

Ciidamada Booliska Dowladda Puntland oo ka howlgalla Gobolka Bari oo howlgallo ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Bari, ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsanaa Kooxda Argagixisada ah ee Daacish iyo Gadiid iyo Hub ay wateen.

Taliyaha Qeybta Boliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in kaddib howlgal qaatay 48 Saacadood oo ay ka sameeyeen deegaannada Iskushuban, Toga Jaceyl, Togga canjeel Iyo Dooxa Gabin, ay ku qabteen maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Daacish.

Sidoo  kale, G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in howlgalka ay kusoo qabteen Hub iyo Gaadiid farabadan oo ay wateen xubnaha ka tirsan Daacish, haatana ay gacanta ku hayaan Cidiamada Booliska Puntland.