Wasiirkii Degaanka Puntland oo u geeryooday COVID-19

AUN Wasiirkii Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland Ismaaciil Diiriye Gamacdiid, ayaa ku geeryooday magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Wasiir Gamacdiid ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay la liitay xanuun kasoo wajahay Hab-dhiska neefsashada jirka, kaddib markii uu saameyn uga tagay cudurka COVID-19 oo laga daaweeyay Wasiirka.