Turkiga oo uga digay Midowga Afrika Fara-gelinta Siyaasadda Soomaaliya

Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya Amb. Kani Torun ayaa Midawga Afrika ugu baaqay in uusan faragalinin siyaasadda gudaha ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo bartiisa Twitter-ka uu ku qoray ayuu safiirka kaga falceliyay hadal ka soo yeeray dawlad goboleedka Jubbaland kaas oo lagu cambaareeyay khudbadii maalmo ka hor uu wakiilka Midawga Afrika ee Soomaaliya ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Kani Torun ayaa yiri, “Midawga Afrika waa in uusan faragalinin siyaasada gudaha ee Soomaaliya, Midawga Afrika waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan kooxaha siyaasadda haddii kale waxay wiiqi doontaa xasilloonida jilicsan ee dalkaas ka jirta.”

Madiera ayaa la kulmaya cambaareyn xooggan kaddib markii u sheegay in hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamad Islaam uu heshiis la gaaray mucaaradka Ogaadeen oo ugala jeeday in dhammaan dhinacyadii ka soo hor jeeday doorashadiisa ay isku hayb ahaayeen.

Madaxweyne Ku xigeenka koobaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabdirashiid Xidig ayaa maalinnimadii shalay ahayd si kulul uga jawaabay hadalka Madeira, kuna tilmaamay mid aan la aqbali karin iyo anshax xumo waxaana ay ku baaqeen in dalka laga saaro.