Midowga Yurub oo walaac ka muujiyay dib-u-dhac ku yimaada Doorashada Soomaaliya

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb, Nicolas Berlanga ayaa walaac xoogan waxaa uu ka muujiyay natiijada la dhalan karta hadii dib u dhac uu ku yimaada doorashada Soomaaliya.

Farriin qoraal ah oo uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in ay ka walaacsan yihiin natiijada aan fiicanayn ee ka dhalan karta dib u dhaca doorasho xiligeeda ku dhacda.

“Midowga yurub ee soomaaliya waxay muujinayaan walaac markasta oo suurta gal ah in dib looga fiirsado taariikhda cusub ee taariikhda cusub ee loo qabtay Guddiga Doorashooyinka inuu Baarlamaanka hor yimaado.

Hadalka Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb, Nicolas Berlanga ayaa kusoo aadaya xilli siyaasiyiin badan ay walaac ka muujiyeen muddo kororsi ay sameystaan Madaxda Dowladda xilli Guddiga doorashadooyinka 27-ka Bisha june laga sugayo inay Baarlamaanka horgeeyaan nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa waqtiga loou talo galay.