Faallo:-Hogaaminta Deni waxay ku bilaabatay wal-wal ,waxaana dul hoganaya niyad jab

6-bilood baa lagu bartay waxa ay tahay hogaamintiisa Madaxweynaha markii horaba laga wal-walka qabay ee Deni.

Marka la bar-bar dhigo Madaxweynihii ka horeeyay ee Gaas oo dadku aadka ugu han weynaayeen waxaa la fahmay hogaamintiisa 3-sano kadib.

Madaxweyne Gaas”

Gaas waxuu la kulmay xiligii hogaamintiisa caqabado waa weyn oo laga xusi karo…

B.Mucaaradad la kowsatay oo Garowe ah.

T.Abaaro adag oo dhacay

J.Dagaalkii argagixisada ee Buuraha

X.Dagaalkii argagixisada ee Suuj iyo Garmaal.

Kh.Dagaalkii GaalkacyoD.Dagaalkii Somaliland ee Tukaraq.

Sidaas oo ay tahay dalka waxaa ka socday Mashaariic Magaalo walbana dhaqdhaqaaq baa ka jiray dadkana waxbaa soo geli jiray.

Waxuu ka tagay ugu danbayn laba garoon diyaaradeed hal Wado oo muhiim ah iyo Mashaariic qabyo ah oo dhamaystir ubaahan.

Dadku waa isku soo dhawaaday oo kala fogaanshihii abuurmay xiligii Faroole waa bogsiiyay.

Madaxweyne la heli karo lala kulmi karo la dhaliili karo dulqaad badan oo niyad furan,ayuu noqday.

Gudoomiyihii Baarlamaanka isqabad kadib si dhib yar,ayuu uga takhalusay markii danbe xafladii dib isu sharixidiisiins waa ku casumay oo waliba hadal ka siiyay.

Nin maareeyay khilaafkii M-xigeenkiisa.

Agaasimihiisii Madaxtooyada 3-sano kadib,ayuu badalay isagoo shaqo kale ka siiyay Fadaraalka.

Talyihiisii Madaxtooyada waxuu badalay 3-sano kadib,isagoo ka dhigay hogaanka Daraawiishta Mudug.

Siyaasada arimaha dibada waxuu ku lahaa maqaam sare ugu yaraan Sadex wadan oo uu booqasho ku tagay markii la doortay waxaa loogu soo dhaweeyay heer Madaxweyne Jamhuuriyadeed,iyadoo ay kaga hor yimaadeen garoomada Wasiiro arimo dibadeedyo,waxaana loo xiray Wadooyinka laguna galbiyay baabuurta Diblomaasiyiinta,isla markaana lala kulan siiyay Madaxweynayaashii ama Ra’isalwasaarayaashii dalalkaas.

Nin geesiya oo fahmad badan,ayuu ahaa.

Nin calool furnaa oo aan dadka isku dirin isaguna aan dilal hoose ku fulin,ayuu ahaa.

Nin aan kursigiisa lala maamulin buu ahaa.

Dhaliilihii Gaas”

Intaas oo wanaag ah waxaa bar-bar yaalay khaladaad waa weyn oo uu lahaa.

Nin lacag jeclaa oo aan waxba ka dayrin buu ahaa.

Nin helidiisa iyo la kulankiisa fudud ay daba taalay qadarin xumo oo aad looga cawdo isticmaalka Taleefoonkiisa gacanta.

Nin hankiisa iyo maqaamkiisa Dowladnimo ay hoosaysay.

Nin aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa aan bulshada wax badan ugu soo saa’idin buu ahaa.

Nin go’aankiisu uusan fadhiyin oo guur-guura.

Nin ku ceeboobay Mashruucii muhiimka ahaa ee Wadada Garowe-Galkacyo.

Nin Siyaasadiisii Fadaraalka aad loo dhaliilsanaa wax taariikhda galayna aan ku saa’idin.

Nin isimada karaameeya hadana aan fulin waxay rabaan.

Madaxweyne Deni”

Mudadii uu hogaanka hayay waxaa lagu tilmaami karaa Nin loo dhiibay furihii Janada oo la yiri maamul.

B.Lama kulmin Mucaaradad

T.Lama kulmin Abaaro

J.Lama kulmin colaado

Sidaas oo ay tahay waxba waa dhaqaajin waayay.

Si fudud mudo aan ka badnayn 6-bilood waxaa lagu ogaaday Ninka kursiga ku fariistay kuu yahay.

Mashaariicdii socotay World Bank iyo JLPG mooyee wax kale kama socdaan.

Mashaariicdii dhamaystirka ubaahnayd waxba kama qaban oo sidii ayay qabyo uyihiin sida..

Wadada Garowe-Galkacyo

Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo

Dekeda Bosaso

Garoonka Gaalkacyo.

Ilihii dhaqaale ee dadka kala qarin jirtay waa soo xiray isagoo ku dooday in uu dib uhabayn maamul iyo maaliyadeed samaynayo.

Balse ilaa iyo hada wax la taaban karo oo isbadal ah lama arag lacagtii dadka iyo dalka geli jirtay markii laga xakameeyayna meel ay aado cid cadayn kartaa majirto.

Dadku dhaqaale xumo aad udaran ayay dareemayaan oo xataa caasimada,ayaa cabanaysa.

Dib uhabayntii Ciidanka ee uu yoolka ka dhigtay wax weyn kama hirgalin marka laga reebo laba Urur oo kasoo baxay Xorgoble Qardho iyo 54-aad Garowe.

Madaxweyne bulshadu la kulmi karto mahan oo ay heli karaan,balse xushmeeya midkii la kulma.

Muuqaalka Bishiiba marka ah ee uu asteeyay mahan mid furan oo si toos ah su’aalo loogu waydiin karo waxaana loo bixiyay “Kaamiro la sheekaysiga Deni”.

Siyaasadiisa dibada waxaa lagu tilmaami karaa Eber in ay ka hoosayso mana jiro hal dal oo si maqaam leh loogu qaabilay,taasna waxaa keenaya isagoon xiriir lahayn iyo kooxda ku wareegsan oo aan waxba ka aqoon.

Meesha kaliya ee loogu hakan karo waa la xisaabtanka Dowlada Xamar ilaa iyo hada iyo garabgalka Jubaland.

Gobolka Bari qarka,ayaa layskugu istaagay in lagu dagaalamo adeeg Raashimeed PDG.

Boqorka oo ehel hoose la ah maqaam sarenna ku dhex leh Somalida isma salaamaan.

Agaasimihiisii Madaxtooyada 6-dii bilood ee ugu horaysay,ayuu iscasilaad ugudbiyay.

Talyihiisii ilaalada Madaxtooyadu isagoo aad u niyad xun buu shaqadii iska casilay.

Baarlamaanka oo uu khudbad toos ah ka akhrinayo waxaa hadal uga soo cayrsaday Hal Xildhibaan.

Gudoomiyihii Baarlamaanka isqabad kadib Xabad buu u adeegsaday markii uu si kale uga adkaan waayay.

M-xigeenkiisii meel xun oo laga wal-wal qabo in ay gacan ka hadal sababto ayay ka maraysaa xiligan.

Nin fulaynimo lagu xanto fahmadiisuna hoosayso.

Nin aan go’aamadiisa umadax banaanayn.

Nin aysan muuqan lacag jacaylkiisu lagulana soo dhici karin laaluush qaadasho hoosaysa.

Nin cuqdad badan oo aan ilaawin qofkii maalin ay isqabtaan,isla markaana la colooba Sxb-ka qofkaas.

Isku soo wada duuboo Hal sano iyo bar kadib waxaa soo baxay Nin aan awood ulahayn hogaamin bulsho marka dhinacyo badan laga eego.

Hogaaminta Deni waxay ku bilaabatay wal-wal ,waxaana dul hoganaya niyad jab.

Jibril Qoobey.