Maxkamadaha Puntland oo dib loo furay, xilli la hadal-hayo in Dacwad laga gudbiyay Madaxweyne Karaash (Akhriso)

Warqaad kasoo baxdey Xafiiska Kusimaha Gudoomiyaha Maxkamadda sare Nuur Ciise Maxamed ayaa lagu sheegay in la furey hawlaha garsoorka Puntland.

”Hadaba waxaa la faraaya Maxkamaddaha rafcaanka kuwa darejada 1-aad ee Puntland in la socodsiiyo hawlaha Garsoorka, Iyadoo laga taxadarayo in dacwadaha la isku keeno dad badani” ayaa lagu yiri qoraalka Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland

Go,aanka Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland ayaa imaanaya xilli la hadal hayo in Dacwad ka dhan ah Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash loo gudbiyay Maxkamadda sare ee Puntland, taas oo ay diyaariyeen Madaxweyne Deni iyo saaxibadiisa.