Waxgaradka Mudug oo diiday markale in ay la kulmaan Wasiir Dhabancad iyo W.Haweenka

Inta badan waxgaradka Cumar Maxamuud shalay waa ka baaqdeen kulankii Tacsida ee Gudoomiye Dabakariix rabi ha unaxariistee.

Waxgaradka oo aan la xiriiray waxay ii xaqiijiyeen in aysan baqdin Alshabaab uga baaqan Tacsida.

Balse ay uga baaqdeen diidmo ay diidan yihiin Wasiirada beesha ku matala Dowlada ee Dhabancad iyo Wasiirada Haweenka.

Waxgaradku waxay si aad ah uga fogaadeen uguna niyad xun yihiin labadaas Wasiir.

Dhabancad waxuu noqday Nin aysan hal qof oo Gobolka ah isfahmin xiriirna lahayn.

Halka Wasiirada Haweenku noqotay gacanyare daba socota Wasiir Dhabancad oo aan matalaadba lahayn.

Wasiirka ganacsiga oo kasoo jeeda beesha labaad ee Gobolka miisaanka ku leh ee Leelkase kulan,ayuu ugu qabtay Goldogob,kadibna isagoo hogaansanaya 30-ka mid ah waxgaradka ugu tunka weyn,ayuu Tacsida ka qaybgalay.

Jibril Qoobey.