Ilhaan Cumar oo dhaleecaysay Xeer-ilaaliyaha

“George Floyd waxaa magaaladeenna lagu dilay maalin cad.Waa in dacwad deg deg ah lasoo oogo. Caddaalad darrada qotada dheer ayaa sababtay xasilooni darrada bulshada. Nabad ma raadsan karo iyadoo aan caddaalad la helin. Haddii uusan xeer ilaaliyaha deegaanka u heellaneyn inuu sidaas sameeyo, waa in lasoo magacaabo dacwad ooge khaas ah.,” ayey ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka.