Video:-Khayre oo niyada ka jabiyay Farmaajo

“Laga billaabo maanta, waa inaan ka shaqeynaa ka xukuumad ahaan xaqiijinta doorsho ummadda Soomaaliyeed u dhantahay, xasilloon nabad ah, dadkuna ay qeyb ka noqdaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Waxa uu intaas ku daray in doorashada oo waqtigeeda ku dhacdaa ay ku jirto xasilloonida siyaasadeed ee dalka, oo haddii la waayo meesha ka bixi karta.

“In doorasho inta badan la isla oggolyahay dalka ka dhacdo ayaa wax walba inooga muhiimsan xillagan, si aan u ilaalino xasilloonida siyaasadeed ee dalka, waana sida kaliya ee aan ku hubin karno in ay waaraan wixii aan soo qabannay,” ayuu yiri Kheyre.

Khayre waxuu umuuqdaa Nin ka hor yimid aragtidii Farmaajo ee ku aadanayd mudo kororsiga iyo samaynta Xisbiga Dowlada.

Warar,ayaa sheegaya in Farmaajo iyo Fahad ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u maleegi lahaayeen qorshe mudo kororsi u sahli kara.

Bulshada Somaliyed iyo beesha caalamkuba waxay ka midaysan yihiin in aysan doorashadu dib u dhicin oo wakhtigeeda ay ku qabsoonto.

Khayre waxuu hadalkiisa kusoo afmeeray erayo niyad jab ku beeray Farmaajo bulshada Somaliyedna niyada u dhisay….

“Doodda ah in dalkaan Afar sano ee kasta ay doorsho la isla oggolyahay ka dhacdo, nuuceey rabto ha ahaatee, waa tan sharciyadda na siisay, sidaas darteed waa inaan ilaalinnaa.”.

Jibril Qoobey.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka