Video:-Saldhiga Booliska Gaalkacyo oo weli dayacan

????????????????????????????????????

Muuqaalkan waa Saldhiga Dhexe ee Booliska Gaalkacyo oo la ildaran burbur baahsan.

Sidoo kale Taliska qaybta Booliska Gobolka Mudug waa dumay.

Horay,ayaa looga codsaday Madaxweynaha,Wasiirka arimaha gudaha,Taliska Booliska iyo Duqa Gaalkacyo dib udayactirka Taliska iyo Saldhiga Dhexe ilaa iyo hadana wax jawaab ah oo laga hayo majiraan.

Xaafiiska Xisbiga KAAH ee Gaalkacyo,iyadoo xaalka Gobolku sidaa yahay waxaa furitaankiisa maanta ku baxday 50.000 oo dolar oo ay bixisay Dowlada hoose.

Guud ahaan xarumaha Xisbiga KAAH ee Puntland waxaa lagu amray Maamulada Degmooyinka in ay furaan oo maalgaliyaan.

Amarkaasi waxuu si cad uga hor imaanayaa dastuurka,xeerarka ilaalinta hantida Umada iyo la dagaalanka musuqa.

Halkan ka daawo muuqaalka Saldhiga Dhexe ee Gaalkacyo