Video:-Gudiga Sharciga Doorashooyinka oo soo dhamaystiray shaqadoodii

Guddiga Wadajirka ah ee soo diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Fadaraalka waxay soo gabagabeeyeen hawlgalkoodii.

Gudiga,ayaa Xeerarka ay soo diyaariyeen waxay ugudbiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka.

Qodobka soo jiidashada leh ee ay wax kusoo siyaadiyeen waxuu yahay tirada Seneterada Aqalka-sare oo ay ka dhigeen 61-Senatar.

Senetarada Aqalka-sare oo markii hore ahaa 54,ayaa Gudigu ku dareen 7-Senetar oo Gobolka Banaadir ku matali doona Golaha.Senatarada Aqalka sare,ayaa lagu qaybinayaa nidaamka wax qaybsi ee 4.5 sida Gudiga soo gudbiyeen.

Halkan ka daawo muuqaalka