Video:-Muuse Biixi oo xariga ka jaray Qayb ka mid ah wadada Berbera-Hargaysa

12-Km oo ka mid ah Wadada isku xirta Berbera-Hargaysa,ayuu Muuse Biixi xariga ka jaray maanta.

Mashruucan dib loogu dhisayo Wadadaas,ayaa ka mid ah heshiiskii Dekeda Berbera ee Imaaraadku la galay Somaliland.

Sidaanoo kale Puntland,ayaa heshiis kula gashay Imaaraadka balaarinta Dekeda Bosaso iyo dib u dayactirka Wadada Bosaso-Garowe.

Balse ilaa iyo hada wax ka hirgalay majiraan,waxaana ilo xog ogaal ah ay sheegayaan in isfahan la’aan soo kala dhex gashay Deni iyo Imaaraadka ay sabab u tahay dib udhaca ku yimid fulinta heshiiskaas.

Madaxweyne Deni waxaa lagu dhaliilaa in uu ku liito xiriirka dibada iyo fahanka diblomaasiyada.

Halkan ka daawo muuqaalka