Talyaha Booliska Mudug oo kormeeray Degmooyinka

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, Gaashaanle sarre Muumin Cabdi Shire ayaa safar muddo saddex maalmood ah qaatay kusoo maray Degmooyinka Saaxo,Goldogob iyo Bursaalax ee Gobolka Mudug.

Taliyaha waxaa socdaalkiisa ku weheliyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo,waxaana ujeedka socdaalkiisu ahaa sare u qaadidda wada-shaqaynta Booliiska iyo Dowladaha hoose ee Degmooyinkaas iyo sidoo kale La-dagaallanka Argagixisada Al-shabaab iyo ka ganacsiga maandooriyaha.

Taliyaha iyo mas’uuliyiinta weheliyay, ayaa mudadii ay Socdaalka ku jireen Kulamo kala duwan la qaatay maamullada degmooyinka Bursaalax Galdogob, Saaxo iyo dhammaan tuulooyinka hoosyimaada degmooyinkaas.