Video:-Dowlada Puntland oo markale ka been sheegtay dhismaha Wadada Garowe-Galkacyo

Wadadan mashruucii lagu dhisayay ee horay ufashilmay,waxaa lagu wareejiyay Hay’adda UNOPS.

Dib,ayaa loogu noqonayaa Qandaraaskii,waxaana soo gaari doona Puntland dhawaan koox (Technical Team) ah oo ka socda UNOPS iyo EU.

Rajada dib udhiska Wadadaas waxay ku xiran tahay kooxdaas booqan doonta bilaha soo socda.

Wasiirada iyo Xildhibaanada maanta socodka ku maray waxaan waydiin lahayn dhawr su’aalood oo muhiim u ah…

1.Shirkadii dhisaysaa waa tee ?

2..Qalabkii lagu dhisi lahaa meeyay?

3.Maalgalinta dhismaha yaa leh?

Wasiirada iyo Xildhibaanada socodka jimicsiga ah ku maray Wadada hadafkoodu waxuu umuuqdaa mid lagu xoojinayo furitaanka Xaafiiska Xisbiga Dowlada KAAH Burtinle.

Socod jimicsi ah Wado laguma dhiso!!

Halkan ka daawo muuqaalka