Puntland:-Ururo siyaasadeed oo midoobey

Ururadan siyaasadeed oo horay u helay aqoonsiga Guddiga Doorashooyinka KMG-ah ee Puntland (TPEC),ayaa iskugu tagay hal Urur oo ay u bixiyeen (Mustaqbal Political Party).

Xaflada ku dhawaaqida midowga waxaa kasoo qaybgalay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Madasha waxaa ka hadlay xubno matalayay Ururada isku biiray oo ay ka mid ahaayeen Xoghayihii hore joogtada W.Maaliyada Fadaraalka,Agaasimaha Hay’ada Tadamun iyo mid ka mid ah Ragii ugu dhowaa Madaxweyne Gaas.

Sadexda Urur,ayaa mabaadiida iyo ahdaafta kawada sinaa sida ay goobta ka sheegeen hogaamiyayaashooda.

Hadafka ugu weyn ee ay isku kaashadeen ayay ku tilmaameen xaqiijinta himilooyinka iyo rabitaanka Dadka Puntland ee Somaliyed.

Midowga Sadexdan Urur ay ku midoobeen Halka Urur waxay gaarsiin kartaa in ay noqdaan Xisbiga Sadexaad ee Puntland ugu miisaanka culus.

Dad badan,ayaa soo dhaweyn iyo ixtiraam uhaya xubnaha Ururadan madaama ay ubadan yihiin aqoonyahano,Wadaado iyo adeegayaal Bulsho oo sharaf lagu yaqaan.

Dhaliisha ilaa iyo hada lagu xanto Ururadan bahoobay waxay tahay in aysan si balaaqo leh Bulshada iskaga gadin oo ay aad uliidato qaybtooda wacyi gelinta marka loo eego Ururada MIDEEYE iyo KAAH.

Jibril Qoobey.