War deg-deg:-Wada xaajoodkii Dowlada Fadaraalka iyo Dowlad Goboleedyada oo burburay

Waxaa burburay wada xaajoodkii la qorshaynayay in lagu kulan siiyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Dowlada Dhexe ee looga arinsan lahaa doorashada.

Puntland,Jubaland,Galmudug iyo Hir-shabelle waxay isku raaceen in bishan bartankeeda si toos ah loogu kulmo Magaalo ka mid ah Somaliya ama ZOOM-ka.

Dowlada Fadaraalka waxay soo jeedisay in kulankaas uusan suurtagal ahayn oo bisha danbe July bartankeeda la kulmo,waxaa ku raacay Gobolka Banaadir iyo Koonfur-galbeed.

Sidaa,ayuu ku fashilmay wada xaajoodkii socday maalmahan oo lagu kala tagay.

Waxaa muuqata in Farmaajo rabo mudo kororsi oo uu sugayo bishan dhamaadkeeda in Xaliimo Yarey ka keento Baarlamaanka mudo kordhin sidaana maaweelo usii samaynayo.

Waxaa hada bilowday xiriiro lagu badbaadinayo Dalka oo udhaxeeya Somalida waxgaradkeeda ay ugu horeeyaan madaxda Dowlad Goboleedyada,Baarlaamaanka iyo beesha caalamka.

Maalmaha soo socda waxaa soo bixi doona go’aano cad-cad oo Dalka lagu badbaadinayo.

Jibril Qoobey.