Cabditahliil oo lagu aasay Muqdisho saakay

Allah ha naxatiistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay fanaankii weynaa Cabdi Tahliil Warsame oo xalay geeriyooday kadib muddo ku dhaw 18 sano oo uu xanuunsanaa.

Aaska Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, maareeyaha golaha murtida iyo madadaalada qaranka, abwaano, fanaaniin iyo ehello.

Cabdi Tahliil Warsame, sida la sheegay wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii.

Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday.

Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore uga jirta dookha dadweynaha waxaa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide.

Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdulaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar.

Fannaaniintan dhamaantood waxay ku biireen xidigihii kooxdii Hobalada Waabari.

Kooxihii kale ee uu Cabdi Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaasi.

Allah ha unaxariistee waxa uu waxbarshada dugsiga sare ku qaatay ku bar baaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan hase ahaatee markii dambe waxa uu usoo wareegay magaalada Muqdisho ee degeenaa ilaa maanta.

Waxaa uu ka tagay caruurta iyo waxa ay sii dhaleen 42 qof.

Sidoo kale fanaan kaliya ma aheen ee waxaa soo noqday xisaabiyaha ee gobolka Bari, waxaa uuna kasoo shaqeeyaan deegaanada Qandalo, Qardho iyo magaalada Ganacsiga ee Boosaaso.