Video:-Hogaaminta Trump oo si weyn loo dhaliilay

Dalkii aduunka ugu horeeyay Dimuqraadiyada,xoriyada iyo dhaqaalaha halkii looga talinayay caawa waxaa laga dul sameeyay Talis Hawada oo ka waardiyeeya shacabkiisa.

Trump waxaa horay si weyn sumcadiisa dhulka ula galay sidii uu umaareeyay Xanuunka Corona Virus.

Sidoo kale waxaa markale dhulka dhigay banaanbaxyada shacabku ku diidan yihiin midab kala sooca iyo cadaalada xumida lagu hayo dadka laga tirada badan yahay.

Muuqaalkan in uu Maraykanku yeesho waxaa aad uga xumaaday kana hadlay haldoor badan oo reer Maraykan ah.

Dhacdada ugu yaabka badnayd waxay ahayd in shacabkii iyo Booliska oo is cayrsanaya Aqalka-cad hortiisa uu Trump Kitaab baybala lasoo istaagay banaanka isagoon hal eray oran.

Ilaa iyo hada Trump waxuu ku guulaysan la’yahay in uu Dadka Maraykanka ujeediyo khudbad midayn karta oo ku filan in ay dajiso.

Xaalada taagan waxay Dad badan qabaan oo Maraykanka ah in Trump isagu abuuray.Jibril Qoobey.

Halkan ka daawo muuqaalka