Madaxii amniyaadka Alshabaab ee Mudug oo la dilay

Hawlgal wada jir ah oo ay iska kaa shadeen Talisyada Booliska Puntland iyo Galmudug oo ay kaabayeen PSF iyo Danab,ayaa lagu dilay xubintii ugu muhiimsanayd argagixisada Gobolka ka hawlgasha.

Madaxii Amniyaadka Alshabaab ee Gobolka Mudug,ayaa lagu dilay isagoo Qarax diyaarinaya kuna hubaysan Hub kala duwan.

Madaxa Amniyaadka,ayay Ciidamadu xogtiisa heleen,kadib markii laga hawlgalay waxuu isku dayay in uu cararo, balse toogasho,ayaa lagu dilay.

Hawlgalkii ugu weynaa uguna waxtarka badnaa oo ay si wadajir ah ufuliyaan Ciidamada labada dhinac,ayuu noqday hawlgalkan guulaystay.

Tan iyo intii ay Gobolka gaareenTalye Muumin iyo Ciidamada uu hogaaminayo waxaa isbadalay amniga Gobolka Mudug.

Jibril Qoobey.